Mareykanka oo Ballaariyey Sharciyadda Lagula Dagaalamayo Al-Shabab

Maamulka madaxweyne Obama ayaa ballaariyey awoodda sharciyeed ee lagu weerarayo kooxda Al-Shababa ee dalka Soomaaliya.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah ayaa maanta qoray in maamulka Obama uu Al-Shabaab u arko inay qeyb ka tahay dagaalka hubeysan ee Congress-ka uu ansixiyey in lagu qaado kuwii ka dambeeyey weeraradii 11-ka September ee 2011 lagu qaaday Mareykanka.

Tallaabadan ayaa wargeyska waxa uu sheegay in in qaar ka mid ah khuburada sharciga iyo siyaasadda arrimaha dibedda ay ka walaacsan yihiin in maamulka uu ka gudbayo awooddiisa howlgallada la dagaalanka argagixisada.

Tallaabada maamulka Obama ayaa sidoo kale xoojin doonta awoodda madaxweynaha cusub Donald Trump uu kula dagaalamayo mintidiinta Islaamiga ah ee Geeska Afrika.

Mareykanka ayaa weeraro dhinaca cirka oo dhowr ah la beegsaday kooxda Al-Shabaab waxaana ka mid ahaa weerarkii sanaddii 2014 lagu dilay hoggaamiyihii hore ee kooxdaas Axmed Cabi Godane.