Erdogan oo u Digay Midowga Yurub

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa uga digay Midowga Yurub in haddii ay sii wadaan u hanjabaadda dalkiisa, inuu boqolaal kun oo muhaajiriin ah u ogolaan doono inay ku qul-qulaan dalalka Midowga Yurub.

Isaga oo ka hadlayey shir ku saabsan caddaaladda haweenka oo lagu qabtay magaalada Istanbul ayaa Erdogan waxau ka falceliyey qaraar uu ansixiyey baarlamanka Midowga Yurub oo aan dhaqan gal ahayn, kaasi oo dalbanaya in ururkaas uu hakiyo wada-xaajoodyada ka mid noqoshada ururka ee uu la leeyahay Turkiga.

“Markii 50,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen magaalada xuduudda ee Kapikule waad oydeen. Maxaad sameyn laheedeen haddii Turkey ay albaabka xuduudda furi lahayd. Haddii tani ay sii socoto waan fureynaa albaabada – waa inaad taas ogaataan. Aniga iyo dalkeygaba kalama jeclin hanjabaad eber ah” ayuu yiri Erdogan.

Midowga Yurub ayaa horaantii sanadkan Turkiga la galay heshiis ku saabsan in muhaajiriinta dib loogu soo celiyo dalkaas, taa baddelkeedana la siiyo dhaqaale iyo in wada-hadallada ka mid noqoshada Midowga Yurub la dedejiyo.

Cod bixinta baarlamanka Midowga Yurub ayaa waxaa looga jawaabayey xariga ay dowladda Turkiga ku hayso dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July.