Warar ka Cusub Soomaali ku Dhimatay South Africa

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxay dhimashada afar qof oo Soomaali ah oo ku geeriyooday markii uu ku gubtey dukaankii ay ku lahaayeen gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Waxaa iminka la soo warinayaa in dadkaasi dabkii qabsadey goobtooda ganacsi uu ahaa mid ka kacay gudaha dukaankooda.

Saraakiisha safaarada Soomaaliya ayaa baaritaan ay sameeyeen ku ogaadey in dabkaasi uu ahaa mid ka kacay makiinada lagu karsado cuntada ee Stove-ka loo yaqaan.

Ahmed Maxamed Kheyre oo ah sii haya safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa oo u waramay Sahra Cabdi Axmed ayaa sheegay inay dhacdadaasi wali baarayaan iyagoo ogaadey in dabkaan uu ahaa mid ka billowdey dukaanka gudihiisa.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali ku dhimatay South Africa