Kenya: Dhadhaab Lama Xiri Karo 30-ka November

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan suuragal u aheyn in xeryaha Dhadhaab ay ku xirto waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay horey u qabsatay oo ku beegan 30-ka bishan November.

Kuamanaan kun oo Somali ah ayaa ka tagay xeryahan bilihii u dambeeyay, laakiin marka ay Somalia ku noqdaan ayaa noloshu ku adkaataa.

Sidoo kale, hay’ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa shalay sheegtay in saraakiisha dowladda Kenya ay ku qasbayaan dadka Soomaalida qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadabaab inay dib ugu noqdaan Soomaaliya, halkaasi oo ay khatar ugu jiraan inay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan qalaasaha ka jira dalka.

Wariyeha VOA-da Maxamed Yuusuf ayaa warbixitan Nairobi ka soo diray waa kan Ibrahim Xassan Dandurey oo inoo soo jeediya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Xiritaanka Xerada Dhadhaab