Diyaarad Ruushka Leeyahay oo Lagu soo Riday Syria

Diyaarad nooca qumaatiga ukaca ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa maanta lagu soo riday woqooyiga galbeed ee dalka Syria, ayada oo ay ku dhinteen dhammaan shanti qof ee saarnaa.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaraddan uu gantaal haleelay ayada oo kasoo laabatay magaalada Aleppo oo ay gaysay gargaar bani aadannimo.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaalada Moscow in dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa ay dhinteen.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal iyo saddex qof oo shaqaalaha diyaaradda ahaa.

Ciidamada Ruushka ayaa dalka Syria ka fulinayey duqymo ay ku taageerayaan madaxweynaha dalkaas Basahr Al-Assad tan iyo bishii September ee sanadkii tagay.