Uganda oo Dib Uga Fiirsaneysa ka Bixitaanka Somalia

Yoweri Museveni

Madaxweynaha Yuganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in qorshe xumo ay haysato istiraatiijyada howlgalka AMISOM, taasina ay keentay in dowladdiisu go'aamiso in ciidanka Uganda Soomaaliya ay ka baxaan sannadka danbe.

Laakiin Yuweri Museveni ayaa sheegay in aanu ciidankiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM jihada saxda ah uu abaaro, oo ay ka mid tahay in dib loo dhiso ciidamada Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir Kampala ka dhacay oo madaxda gobolka ay uga hadleen amniga gobolka, shirkaasi oo sidoo kale uu ka qeybgalay RW Israel Benjamin Netanyahu oo booqanaya Africa.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Museveni oo ka Hadlay Kabixista Ciidankiisa Somalia