Gabar Soomaali Ah Ku Xanuunsaneyd Nauru Oo Loo Qaaday Australia

Nauru

Haweenay Soomaali ah oo ka mid ahayd qaxootiga Soomaalida ee ku sugan jasiiradda Nauru ayaa la sheegay inay ku sugan tahay xaalad caafimaad oo adag kadib makrii lagu soo qalay ilmo kasoo hormaray xilligii uu dhalan lahaa.

Dadka qaxootiga ah ee jasiirada ku sugan ayaa sheegay in xaaladdeedu ay xuntahay sababtoo ah ma aysan helin adeeg caafimaad oo ku filan.

Dawladda Australia oo jasiiradda ku haysa qaxootia aysan doonayn ayaa usoo daad gureysay haweenayda iyo ilmaha ay dhashayba magaalada Brisbane.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa arrimahan ka waraystay gabadh Soomaali ah oo ku sugan jasiiraddaasi oo lagu magacaabo Yaasmiin Karaar, waxayna ugu horrayn weydiisay xaaladda gabadhaas sida ay tahay?

Your browser doesn’t support HTML5

Gabar ku xanuunsan Nauru