Kuuriyada Waqooyi oo Gantaal Kale Tijaabisay

Korea-da Woqooyi ayaa sameysay ugu yaraan hal tijaabo ganaatalada riddada dheer ah, maalmo kadib markii Mareykanka uu cunaqabteyn cusub kusoo rogay dalkaas dunida inteeda kala ka go’doonson.

Korea-a Koonfureed ayaa sheegtay in gantaalkan uu socday 800 oo KM ka hor inta uusan ku dhicin xeebta bari ee Korea-da Woqooyi, jimcihii.

Korea-da Koonfureed waxa ay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda.

Sarkaal ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanka uu daba-gal ku sameeyey laba tijaabo gantaalada riddada dheer ah oo Korea-da Woqooyi ay sameysay.

Madaxweyne Barack Obama ayaa arbacadii saxiixay amar cunaqabateyn cusub kusoo rogaya xukuumadda Pyongyang, taasi oo looga jawaabayey tijaabooyinki gantaal ee ugu dambeeyey oo ay sameysay.