Djibouti oo Ka Faa'ideysaneysa Tamarta Cad-ceedda

Djibouti

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiicig ah ee Djibouti, Cali Yaaquub Maxamud ayaa sheegay in mashaariicda Djibouti ka socda, ay Djibouti uga faa'ideysato dhinaca tamarta dabiiciga ah ee cad-ceedda ku shaqeysa, si ay Djibouti uga baxdo baahida tamarta ee dalkaasi heysata, oo 65 % korontada ka hesha dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia.

Dhinaca kalena, Cumar Shirdoon Cabbaas oo hore wasiir uga ahaan jirrey xukumaddihi madaxweyne Xassan Guuleed ee dalka Djibouti oo dhawaanahanba ka mid noqday axsaabta mucaaridka aya wareysi u siiyey VOA kaga deyriyay habka mashaariicdaasi dhinaca horumarineed ee ka socda Djibouti.

Cumar wuxuu ka mid ahaa xubnihii aas-aasay xusbiga RPP ee haya talada dalka Djibouti tan iyo wakhtigi gobanimada ee 1977.

Wariyeheenna Djibouti Ramadan Muuse ayaa wareystay labada masuulba. Ka dhageyso qeybta hoose labada wareysi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Mashaariicda Jabuuti