Malaayiin Maraykan ah oo dhinaca bari ku nool ayaa maanta oo Axad ah bilaabaya inay iska qaadaan barafkii da'ayay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, kaasoo curyaamiyay isu-socodka magaalooyinka waaweyn.
Barafka da'ay ayaa meelaha qaar cabir ahaan gaaraya ku dhawaad 100 cm.
Ugu yaraan 18 ayaa ku dhintay barafka dabeylaha wata ee dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dhacayay.
In kabadan 200 kun oo qof aya koronto la'aan ku dhacday.
Garoomada diyaaradaha ee ku yaalla Washington DC ayaa sii xirnaan doona maanta. Gobolka New Jersey, iyo deeggaannada ku teedsan badda Atlantic ayaa daad laga soo sheegayaa.
Dhageyso Warbixin uu Jamaal Axmed Cismaan nooga diyaariyay arrintaasi.
Your browser doesn’t support HTML5
Warbixin Barafkii oo La xaaqayo