Dagaal Dhex Maray Soomaali Iyo Oromo

ethiopia map

Dagaalka oo dhacay shalay iyo axaddii ayaa waxaa ku geeriyooday 14 qof, ayada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ka imaanaya Degmada Ma’ayso ee Gobolka Sitti ee Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray Qoomiyada Soomaalida iyo Qoomiyada Oromada.

Dagaalka oo dhacay Axadii iyo Talaadadii shalay, ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 14 qof, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Wariyaha idaacada VOA-da Cumar Xasan ayaa wareysi arrintaas kala yeeshey Gudoomiyaha maamulka degmada Ma’ayso, ee Soomaalida,Xaaji Ismaaciil Cabdillaahi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal dhex maray Soomaalida iyo Oromada