Baabuur Gargaar Oo Lagu Weeraray Syria

Qariirad muujineysa deegaanka Bab al-Salam, Siiriya

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegay in Pentagon ay si hoose u socoto wararka sheegaya in kolonyo gargaar bini aadannimo waday gantaal lagu dhuftay Arbacadii meel u dhow magaalada Azaz ee dalka Siiriya, halkaas oo lix KM u jirta xadduudda Turkiga.

Reuters, ayaa muuqaal ah soo saartay muujinaya in kolonyo gargaar ah oo uu dab qabsaday, kadib markii uu gantaal ku dhacay kolonyadaasi meel u dhow xadka looga gudbo Bab al Salaam.

Ururka xaquuqul insaanka qaabilsan ee Siiriya, ayaa sheegay in la rumeysan yahay in dayaaradaha dagaalka ee Ruushka ay weerarkaasi geysteen.

Sarkaal u hadlay wasaaradda gashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegay in ciidamada isbaheysiga ee uu Mareykanku hor kacayo aysan wax duqeymo ah geysan 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxana uu sheegay inay sii wadaan inay si qoto dheer ula socdaan xaaladaha, si loo xaqiijiyo waxa dhab ahaan ka dambeeya dhacdadaasi.