Dumarka Minnesota oo ka Shiray Xagjirnimada

Xalay waxa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dhacay kulan uu soo qabanqaabiyey urur ka mid ah ururada haweenka ee gobolkaas. Kulanka waxa ka qeyb ka ahaa hooyooyin Soomaaliyeed iyo madaxda xoogagga amniga ee gobolka oo uu ugu horeeyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka ee gobolkaas, Andy Lugar.

Mr. Lugar ayaa sheegay in barnaamijyada ay dawladdu waddo ee lagu taageerayo dhalinayarada Soomaaliyeed aanan iyaga lagu basaaseynin ee ujeedadu ay tahay in Minnesota ay noqoto meel ka maran raadka ururada xagjirka ah.

Haddaba kulanku markii uu dhamaaday ayaa wariyeheena Minnesota Maxamuud Mascadde uu la kulmay Farxiyo Khaliif Maxamuud oo ah madaxa ururka Voice of East Africa Women oo ah ururkii kulanka soo qaban qaabiyey. Farxiyo Khaliif waxay marka hore sharxaysaa ujeedada kulanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Farxiyo Khaliif