Nin Hubeysan Oo Toban Qof Ku Dilay Mareykanka

A student is evacuated by police from Rosemary Anderson High School in Portland, Oregon, Dec., 12, 2014.

Labo ka mid ah dadka dhintay ayaa la sheegay in ay geeriyoodeen xilli loo sii waday isbitaalka.

Toogashadan ayaa ka dhacday qeybta Seyniska ee machadka Roseburg xilli ay billaameen maadooyinka machadku.

Booliska ayaa sheegay in uu dhintay ninka weerarka geystay oo da'diisa lagu sheegay 26 jir kaasoo aqoon wanaagsan ku lehaa dhismaha machadka uu weerarku ka dhacay.

Booliska aya sidoo kale baaraya warbixin horleh oo muujinaya in ninka weerarka geystay uu shalay boggiiska isku xirka bulshada ku soo daabacay in uu weerar qaadi doono.

Weli waxaan caddeyn in qofka weerarka geystey uu yahay kali iyo in ay jiraan cidkale oo weerarkaasi ku wehelisa, balse booliska ayaa isku gadaamay goobta uu werarku ku dhacay dadkana uga digay in ay yimaadan halkaasoo 209 KM u jirta caasimadda gobolka Oregon ee Portland.