Muslimiinta Burma ee ROHINGYA oo dalkaas ka Cararaya

In ka badan laba kun oo qof oo muhaajiriin ah kana soo jeeda qowmiyadda ROHINGYA ee dalka Mayanmar (Burma) ayaa doonyo ku tagay xeebaha Indonesia iyo Malaysia.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa ciidamada baddu soo badbaadiyeen, waxaana la filayaa kumanaan kale.

Dadkan ayaa ka soo qaxaya dalka Thailand ka dib markii ciidamada dalkaasi ay weerar ku qaadeen kooxaha Myanmar ka soo tahriibiya dadka Rohingya.

Warbixin arintasi ku saabsan waxaa soo diyaariyay wariyaha VOAda Steve Herman oo ku sugan Bangkok, Xuseen Barre ayaa inoo soo koobaya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Muslimiinta Burma