Weerarka Garissa oo 147 qof ay ku Dhinteen

Hay'adda masiibooyinka Kenya ayaa sheegtay in 147 qof ay ku dhinteen weerarka jaamacadda Garissa. Weerarkan oo al-Shabab ay fulisay ayaa waxaa ku dhaawacmay in kabadan 70.

Hay'adda ayaa sheegtay in howlgalkii la soo afjaray, sidoo kalena la dilay afar dabley ah oo weerarkaasi ka danbeeyey. Ciidamada amniga ayaa isku hareereeyay jaamacadda, kadib markii dableydu ay gudaha jaamacaddu afduub ahaan ugu qabsatay arday aad u fara badan.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka. Magaalada Gaarisa waxay bartilmaameed u ahayd weerarro is xigxiga oo ay qaadayeen ururka Al-Shabab tan iyo intii ay farageliyeen ciidamada Kneya Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

Your browser doesn’t support HTML5

Video: Weerarka Jaamacadda Garissa

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso : Wararkii iyo Warbixinadii u dambeeyay ee weerarka Jaamacadda Gaarisa