H. Clinton iyo Jeb Bush iyo Doorashada 2016

Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Florida Jeb Bush oo xisbgia Jamhuuriga ka tirsan ayaa ah labada loogu aqoonta badan yahay ee lagu wado inay ka mid noqdaan murashaxiiinta doorashada madaxtinimo ee sanadka dambe. Labaduba waxay wataan magacyo aad loo yaqaan, lacag aad u badan oo ololahooda lagu galana way heli karaan, hase yeeshee labada waxa horyaalla loolan adag, waa haddii ay go’aansadaan inay tartanka qeyb ka noqdaan.

Wariyaha VOAda Jim Malone ayaa warbixinta Washington inoogu diyaariyey. Maxamed Cabdi Sandhere ayaa inoo haya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso tartanka Clinton iyo Bush