Paris: 7 qof oo loo xiray weerarkii shalay

Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegay in la soo xiray 7 qof oo lala xiriirinayo labada qof ee loo raadinayo weerarkii shalay lagu qaaday xaruunta wargyaska Charlie Hebdo.

Ra’iisal wasaaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa saxaafadda u sheegay inay ku dadaalayaan sidii aanu weerar kale u dhicin.

Dhinaca kalena wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Hamyd Mourad ayaa xalay isku soo dhiibay booliska.

Waxaana wali la raadinayaa laba walaalo ah oo ku nool Paris oo la kala yiraah Said iyo Cherif Kouachi.

Booliska ayaa sheegay in Cherif Kouachi uu hore xabsiga u galay iyada oo loo xiray falal argagaxiso.

Labada nin ee la raadinayo ayuu boolisku sheegay inay hubaysanyihiin isla markaana ay halis yihiin.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso weerarkii Paris