Minnesota:Somalida Iyo Poliska Somalida oo Kulmay

Ururka ay ku bahoobeen Soomaalida booliiska ka ah gobolka Minnesota, ayna xubno ka yihiin Soomaali kale oo booliis ka ah gobolo kale oo dalka Mareyknka ah, ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.

Kulankan ayaa looga hadlay iskaashiga dhex mari kara hay'adaha amniga iyo bulshada soomaaliyeed ee gobolka, iyo sida loo taageeri karo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dooneysa inay ku biiraan hay'adaha amaanka ee gobolka oo gelidoodu aaney sahlaneyn.

Kulankan waxaa kaloo looga hadlay sida looga hortagi kuwo duufsashada dhalinayda ee ku qasabta wadooinka burcadda iyo Argagixisada.

Maxamuud Mascadde ayaa warbixintan ka soo diray Minneapolis.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta Bulshada Iyo Booliska Minnesota