QM oo ka Hadashey Weerar ka Dhacay Mali

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysey weerar ka dhacay waqooyiga Mali, oo uu ku dhintey askari u dhashey dalka Chad, isla markaana lagu dhaawacey afar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta.

Gaari ay saarnaayeen ciidamadan ayaa waxaa uu dulmarey miino dhulka lagu aasey maalintii Axadda gobolka Kida lee dalka Mali. Weerar kaa la mid ah oo isla goobtaasi ka dhacay horaantii bishan ayaa waxaa lagu diley afar askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta.

War soo baxay maalintii Axadda, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu ku booriyey Mali inay baaritan ku sameyso weerarkan, isla markaana ciddii ka dambeysey sharciga la hor keeno.

Golaha ayaa mar kale ka celiyey taageerada uu la garab taagan yahay dadaalka ciidamada nabad ilaalinta ay ku doonayaan inay nabad waarta iyo xasilooni ku soo dabaalaan dalka iyo shacabka reer Mali.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inuu si weyn uga murugooday dhimashada askariga u dhashey Chad, isagoo intaa ku darey in weeraradaasi aaney wax saameyn ah ku yeelan doonin taageerada Qaramada Midoobay ee Mali.