Obama: Istaraatiijiyad uma Hayno IS-ta Syria

Madaxwyenaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in arrintiisa ugu weyni ay tahay sidii loo baabi’in lahaa guulaha uu ururka IS ka gaaray dalka Ciraaq.

Mr. Obama ayaa warfidiyeenka kula hadlay Aqalka Cad Khamiistii shalay, daqiiqado ka hor markii uu la kulmay guddiga amniga qaranka oo ka hadlayey xiisadda ka taagan Ciraaq iyo Suuriya

Obama ayaa sheegay in Maraykanka uu sii wadi doono weerarada bartilmaameedsan ee uu ku qaadayo goobaha ururka IS, waxana uu intaas ku daray in talaabooyinkaas oo kale ay keenayaan in ururku uu hub iyo qalab kaleba ku waayo.

Obama ayaa dhinaca kale sheegay in aanu heynin straatiijiyad kooxaha Islaamiyiinta ah lagula tacaalo.

Your browser doesn’t support HTML5

Khudbadda Obama