Kerry oo la Kulmay Madaxweynaha Falastiiniyiinta

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas, kaas oo qeyb ka ah dadaalka la doonayo in horey loogu sii wado wadahadalka nabadeed ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israel.

Wadahadalka oo ka dhacay Amman, ee dalka Jordan ayaa ku soo beegmay maalmo ka hor qorshe la filayo in Israel ay xabsiga uga soo deyso qeyb kale oo ka mid ah maxaabiista Falastiniyiinta.

Sii deynta maxaabiista ayaa qeyb ka ah heshiiska suurageliyey in sannadkii hore ay labada dhinac dib u bilaabaan wadahadalada.

Israel weli ma xaqiijin in sii deynta maxaabiistaasi ay dhici doonto iyo in kale, waxaana hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ay ku hanjabeen inay isaga bixi doonaan wadahadalada nabadeed haddii aaney Israel fulin balantii sii deynta maxaabiista.

Marie Harf oo ah afhayeen ka tirsan wasaaradda arrimaba dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtey in hanaanka nabadda ee labada dhinac uu sii socon doonno bisha dambe sidii loogu talagaley.