ONLF oo Sheegtay in Saraakiil laga Afduubtay

Ururka ONLF ayaa sheegay in Axaddii dorraad labo ka mid saraakiisha ururka laga afduubay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Labadan sarkaal ayaa ururku sheegay in loo badinayo in hay’adaha sirdoonka ee Ethiopia ay qafaasheen.

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee urur ONLF oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain oo afduubka saraakiishan oo VOA arrintan uga waramaya ayaa sheegay in labada sarkaal ay ka mid ahaayeen saraakiishii Nairobi u joogay wadahadalka ururka iyo dawladda Ethiopia ka dhexeeyey.

Wariyaheena Harun Maruf oo Cabdiraxman Sheekh Mahdi la halday ayaa marka hore wax ka weydiiyey sida arrintani u dhacday.

Your browser doesn’t support HTML5

Xubno ONLF oo la Waayey