Koonfur Africa oo Xustay Mandela

  • Mohamed Olad
Kumanaan kun oo dadka reer Koonfur Africa ah ayaa ka qeybgalay maanta xus lagu sagootinayay, halyeygii la soo dagaalamay nidaamkii midab kala sooca dalkaasi Nelson Mandella, oo ahaa shaqsi laga jeclaa dunida oo dhan oo lagu xasuusto halkgankii dheeraa ee uu u soo galay sinaanta dadka reer Koonfur Africa.

Xuska oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Johannesburg ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan boqol hogaamiye oo ka socday dalalka dunida, iyo marti sharaf kala duwan.

Warbixinno iyo falanqeyn ku aadan xuska Mandela halka hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dahgeyso Warbixnada iyo Falanqeynta Xuska Mandela