Hawlihii Dawladda Maraykanka oo Furmay

Madexweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa saacada Washington markii ay aheyd xaley 12:35 daqiiqo saqdii-dhexe saxiixey heshiis ay labada aqal ee Kongresaka Mareykanku isla xaley soo ansaxheen oo hawlihii dawladda Mareykanka dib loogu furayo, isla markaana kor u qaadaya awoodduu ay dowladda Mareykanku wax ku soo amaahan karto.

Wariyaha VOA Sahra Ciidle Nur ayaa goor dhaweyd arimaha ku xeeran dooddii Xubnaha Kongreska maalmahan dhex-tiil kala sheekeysatey Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow. Waxana Sahara ay Yabarow ugu horeyn weydiisey, sida uu ku yimid heshiisnak muddada dheer la isku mari la’aa, iyo waxa ay yihiin qodobada lagu heshiiyey.

Your browser doesn’t support HTML5

Hawlihii dawladda oo dib loo furay