AU: ICC si Xun ayay ula Dhaqantaa Africa

Madaxda qaaradda Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeelanaya magaalada Addis Ababa, iyagoo kaga doodaya waxay ku tilmaameen caddaalad-darro ay maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ay ku hayso Madaxda qaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayaa furitiinkii shirka golaha wasiiradda AFrica, wuxuu ka sheegay in ICC ay beegsaneyso Afrika iyo shacabkeeda oo keliya.

Madaxda Africa ayaa berrito kulmaya, waxaana la filayaa inay mowqif mideysan ka qaataan maxkamadda ICC.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta la filayo inuu hortago maxkamadda The Hague bisha soo socota.