Dhinaca kalena Imaamka Xaramka Barakaysan ee Makka, Sheekh Cabdiraxmaan Sudays ayaa khdubaddii Jimcaha ee todobaadkii tagay taageero weyn u muujiyay boqorka sucuudiga oo taageeray milatariga Masar.
Xaaladda dalka Masar ayaa saamayn ku yeelatay dunida islaamka, barnaamijka ammuuraha islaamka ee todobaadkan waxaan ku eegaynaa sida uu khilaafka ka taagan dalka Masar iyo gud ahaan dalalka carbeed ee ay kacdoonadu ka dhaceen ay u saamaysay muslimiinta dunida.