Shirkadaha safarrada ee soo saara fiisooyinka iyo tikidhida cumrrada ayaa qaarkood sheegeen inay lacagao carbuun ah kusoo rogeen inay ka dhigaan dadka Soomaalida ah ee tagaya Sucuudiga si ay usoo cumraystaan.
Shirkaduhu waxay sheegeen in tallaabadan ay ka dambaysay markii dawladda Sucuudigu ay cadaadis saartay shirkadaha fiisooyinka soo saara kadib markii sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka cumrada tagaya ee ka imanaya Yurub ay sii joogaan dalkaasi muddoo ka badan waqtiga ku muddaysan fiisada.