Xiisado Weli ka Taagan Masar

Taageerayaasha madaxweynihii ay xukunka ka tureen militariga Masar Maxamed Morsi, ayaa wali sii wada dibadbaxyada ay ku dalbanayaan in dib loo soo celiyo xukunkii Morsi.

Magaallooyinka Qaahira iyo Alexandria ayaa xalay waxaa ka dhacay dibadbaxyo gacan ka hadal wata oo dhexmaray taageerayaasha Morsi iyo dadka isaga ka soo horjeeda.

wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in 36 qof ay guud ahaan ku dhinteen rabshaddaha labada dhinac dhexmaray tan iyo markii xukunka laga tuuray Morsi.

Inkastoo xaaladdu imika degan tahay, haddana taageerayaasha Morsi ayaa la filayaa inay soo buuxiyaan fagaaraha Raabica al-Cadawiya ee bariga Qaahira, dhinaca kooxaha ka soo horjeeda Morsi ayaa iyaguna ku baaqayaan bannaabaxyo waaweyn oo berrito lagu qabto fagaaraha Taxriir.

Haddaba warbixinadii ugu dambeeyay ee Qaahira halkan hoose ka dhageyso

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinada Masar