Xaaladda Caafimaad ee Mandela oo ka Dartay

Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Nelson Mandela oo xaaladiisa caafimaad ay sii xumaaneyso.

Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma, ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore ee dalkaas Nelson Mandela ay tahay mid aad ad u liidata, ka dib markii uu muddo ka badan laba toddobaad uu ku jiray cisbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalkaasi

Afhayeenka madaxtooyada Koofur Afrika, Mac Maharaj ayaa isna sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay xii xumaaneysay xaaladda Madaxweyne Nelson Mandela.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa muujinaya dadaal dheeraad ah iyagoo isku dayaya wax walba oo suuro galin kara in xaaladda madaxeynihii hore ay so wanaagsanaato.

Madaxweynaha South Afrika Jacob Zuma ayaa ka codsaday shacabkiisa inay u duceeyaan halyeygooda.

Mr. Mandella waa 94 jir waxaana uu in muddo ah la ildarnaa xanuun dhinaca sambabka ah oo dhowr jeer cisbitaal loo dhigay. Warbixinta xaaladda caadimaad ee Madaxeyne Nelson Mandela halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Xaaladda Caafimaadka ee Mandela