Ururka Taliban oo Xafiis ka Furtay Dalka Qatar

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa talaadadii shalay ahayd shaaciyay in wakiilo mareeykan ah iyo kuwa ka socda Talabaan ay wada hadalo kula yeelan doonaan magaalada Doha ee dalka Qatar maalmaha nagu soo aadan, kuwaasoo ujeedadoodu tahay sidii xal siyaasadeed loogu raadin lahaa dagaalka Afganistaan.


Wariyaha VOA ee xarunta gaashaandhigga Maraykanka ee Pantagon Luis Ramirez ayaa warbixin uu soo diray ku sheegay in shaacintaasi ay tahay mid uu soo dhaweeynayo taliyaha ciidaamada mareeyanka iyo kuwa wadaaga ah ee Afgansitaan General Joseph Dunford.

Haddaba sidee ay xafiiskan cusub ee Taliban ka furansyo dalka Qatar iyo wadahadalka la filayo inuu dhex maro ururka iyo dawladda Afghansitan ay u arkeen dadka reer Afghanistan. Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Sandhere waxa uu weydiiyey Duraan Xasan-yare Aw-Aadan oo ah suxufi madax banaan, kuna sugan dalka dariska ah ee Pakistan.

Warbixinta iyo wareysiga arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Xafiiska Taliban ee Qatar