Uhuru Kenyatta oo la Caleemo-saaray
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dhaaranaya iyadoo ay xaaskiisa Margaret ay u heyso bibile-ka uu ku dhaaranayo intii xafladda caleema-saarku ka socotay garoonka Kasarani ee magaalda Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gacanta ku haya bible iyadoo loo dhaarinayo xilka madaxweynaha 4aad ee Jamhuuriyadda Kenya waxaana hareer taagan xaaskiisa Margaret Uhuru.
Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Kenya Mwai Kibaki oo dhex lugeyna garoonka ay ka dhaceyso xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub Uhuru Kenyatta, isagoo ay hareer socdeen ciidamadu.
Madaxweynaha xilka wareejinaya Mwai Kibaki oo gaari dusha ka furan ku dhexmaraya garoonka Kasarani oo xaflaadda caleema-saarka Uhuru Kenyatta ay ka dhaceyso.
Kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo maaweelinaysa martidii ka soo qeyb gashay xafladda caleema-saarka oo ka dhaceysay garoonka Kasarani ee magaalada Nairobi.
Qof ka mid ah kooxda ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Kenya oo martida maaweelinaya ka hor inta aan la dhaarin Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo markii la dhaariyey kadib seef gaara oo muujineysa inuu la wareegay awooddii dalka Kenya ka guddoomay madaxweynaha xilka wareejiyey ee Mwai Kibaki.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xaaskiisa Margaret oo dadweynihii munaasabadda caleema-saarkiisa u gacan haadinaya