Denmark: Maxkamad Xukuntay Wiilal Soomaali ah

Maxkamad ku taalla wadanka Denmark ayaa Laba wiil oo dhalinyaro ah oo walaalo ah oo ku nool dalkaasi, waxa ay ku kala xukuntay lix sano iyo laba sano oo xarig ah, ka dib markii lagu helay dacwad ah inay la tababarteen urur argagixiso.

Labadan dhalinyarada ah ayaa la sheegay inay da'doodu kala tahay 19 iyo 24.

Hooyada dhashay labada wiil Duniya Nuur Rooble ayaa VOA u sheegtay in labadeeda wiil aaney wax danbi ah galin, xarigooduna uu yahay cadaalad darro.

Wareysiga Duniya Nuur Rooble halkan hoose ka dhagayso.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Duniya Nuur Rooble