Dadka Kenya si Nabad ah Codkooda u Dhiibanaya

Hooyo cunugeeda xanbaarsan oo cokeeda ka dhiibanaysa goob codbixin oo ku taalla magaalada Gatundu ee dalka Kenya.

Dalka Kenya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashooyinka guud oo lagu soo dooranayo madaxweyne, aqalka baarlamaanka, senate-ka, badhasaabyada, iyo golayaasha deeggaanka.

In ku dhow 14 malyuun oo qof ayaa ka qeyb-qaadanaya doorashada oo codadkooda ka dhiibanaya in kabadan 30-kun oo goobood. Codbixinta oo bilaabatay 6-dii subaxnimo ayaa si nabad-gelyo ah ku socota, inkastoo meelo ka tirsan dhinaca xeebta iyo waqooy-bari laga soo sheegay qalalaaso kooban.

Weriyayaal ka tirsan VOA ayaa ku kala sugan magaalooyin iyo qeybo ka tirsan Kenya oo ka soo waramaya doorashada.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wararka Wariyayaasha VOA ee Kenya


Doorashooyinka Kenya, waxaa ku tartamaya 8 musharrax oo mid walba uu rajo fiican ka qabo natiijada doorashada. Maxamed Diidda oo ka mid ah musharrixiinta ayaa VOA u sheegay in codbixintu ay si habsami leh ku socoto, isagoo sheegay inuu si aad ah u rajaynayo inuu doorashada ku guuleysan doono.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Musharaxa Maxamed Diidda


Doorashooyinka Kenya ka socda, waxaa kor kala socda in kabadan 22 kun oo goob-joogayaal caalami iyo maxali ah kuwaasoo ilaalinaya qaabka ay doorashadu ku socoto. Jibril Abdulle, ayaa ka mid ah kor-joogayaasha doorashada Kenya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Korjoogaha iyo Falanqayn la Socota


Hadba wixii warar ah ee ku soo Kordha doorashada Kenya halkan ayaan idin kugu soo gudbin doonaa hadii Rabbi idmo.