Kenya oo Maanta ay Doorasho ka Bilaabatay

Dadka reer Kenya ayaa saakay u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi oo dhan ka dhacaysa, tan iyo markii rabshado ka dhashay doorashooyinkii dhacay muddo haatan shan sano laga joogo ay ku dhinteen dad 1,000 qof gaarayay.

Ilaa iyo 14 million oo dadka reer Kenya ah ayaa la filayaa inay codadkooda dhiibtaan, iyagoo dooranaya, madaxweyne, xubnaha Baarlamanka, gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Saraakiil kale.

Xiisadaha la xiriira doorahsada ayaa weli sareeya, waxaana goobaha ay dadku ka codeeynayaan iyo guud ahaan gobolada Kenya la geeyay 99,000 oo askari oo boolis ah oo amaanka sugaya.

Gudoomiyha gudiga doorashada ee dalkan Kenya Ahmed Issaaq ayaa uga digey musharixiinta u taagan jagada madaxweynenimada Kenya inay sheegaan wax isdabamarin aysan u heynin cadeyn, xiliga lagu gudajiro doorashada.

Waxuuna sheegay in natiijada doorashada ay ku soo gudbin doonaan, sida uu sharciga Kenya u ogolaanayo muddo todoba maalmood gudahood ah.

Axmed Isaaq wuxuu dhinaca kale ugu baaqay siyaasiyiinta Kenya inay ku kalsoonaadaan gudigga doorashada oo ay ku ekaadaan oo kaliya waxa sharcigu u ogolyahay si ey uga fogaadaan colaad ka hurta Kenya.

Wakaaladaha Wararka iyo Wargeysyada Kenya qaarkood ayaa ku soo waramaya in rabshado ka dhacay magaalada Mumbasa ay ku dhinteen dhowr qof oo ay askar boolis ah ku jireen.
Wararka bilaabashada doorashada ee saakay halkan hoose ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wararka doorashada Kenya ee saakay bilaabantay