Maxkamadda Sare Masar oo Shaqadii Joojisay.

Garsooreyaasha maxakamdda sare ayaa sheegay inay si abadiyan ah u joojiyeen shaqadii kadib markii sida ay sheegeen ay la soo daristay cadaadis uga imanaya madaxweynaha iyo Islaamiyiinta.

Garsooreyaashan ayaan maanta dib u dhigay dhageysi ku saabsan sharcimimada Guddiga Ansixitan Dastuurka iyo dastuurka qabyada ah ee ay ansixiyeen.

Garsooreyaasha ayaa sheegay in dad raacsan siyaasadaha madaxwene Mursi oo ku hor dibadbaxayey maxkamadda ay u geysteen hagardaamo dhinaca niyadda ah iyo mid la taaban karo labadaba, sidaas darteedna ay u dib u dhigeen hawshoodu ilaa xili ayna magacaabin.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Shaqo-joojinta Garsoorayaasha Masar