Obama iyo Romney oo Yeeshay Dooddii u Danbeysay

Barack Obama iyo Mitt Romney ayaa xalay dooddii 3aad ee u danbeysay ku yeeshay gobolka Florida ee Maraykanka. Dooddan ayaa ku saabsanayd siyaasadda arri. dibedda ee Maraykanka.
Madaxweyne Obama iyo Musharraxa Mitt Romey ayaa si weyn uga doodday qorshayaashooda ku aadan siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka, oo ay ku jirto jawaabaha Maraykanku uu ka bixiyay dagaalka Syria, barnaamijka Nuclear-ka Iran iyo waliba kharashka difaaca Maraykanka.

Doodda ayaa sidoo kale looga hadlay dilkii Benghazi, wuxuuna madaxweyne Obama uu ku celiyay sida ay uga go'an tahay in la soo helo kuwii ka danbeeyey dilkii 4-tii Maraykanka.

Romney ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku guuldareystay inuu soo bandhigo Istaraatiijiyo wax looga qabto Muslimiinta mayalka adag ee kordhaya. Labada musharrax waxay sheegeen inay taageerayaan qorshaha ciidamada Maraykanka loga soo saarayo dalka Afghanistan.

Dhinaca kale, waxay Obama iyo Romney ku murmeen arrimaha Syria, hasse yeeshee waxay labadooduba ay isku raaceen in ciidamo Maraykanka ka socda aysan ku lug yeelan dagaalka Syria.

Obama iyo Romney waxyaabaha doodooda waxaa kaloo ka mid ahaa, xiriirka Iran iyo Israel, iyago sheegay in Maraykanku uu bar-bar istaagayo haddii Israel la soo weerarro.

Labada Musharrax ayaa ku celiyay siday uga go'an tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen in Iran ay hubka nuclearka hesho.

Obama iyo Romney waxay kaloo ka dooddeen, kharashka gaashaandhiga Maraykanka iyo waliba xiriirka dhaqaale ee Maraykanka iyo Shiinaha.

Dooddan oo ka dhacday Florida ayaa noqonaysa tii u danbeysay ee labadan musharrax ay yeeshaan, waxaana 6-da bisha soo socota ee November la qaban doonaa doorashada guud ee Maraykanka.