Kassel —
Dalka Jarmalka waxaa ku nool dad ka badan 60 kun oo qof oo Soomaali ah oo intooda badan ku yimid qaab tahriib ama magangelyo weydiistay dowladda Jarmalka.
Dadkaasi ayaa qaarkood waxaa jira caqabado ka haysta xagga helista sharciga, iyadoo qaarna ay mararka qaar wajahaan masaafurin.
Hay’adda Somali Plus oo u doodda xuquuqda Soomaalida Jarmalka ayaa bixisa adeegyo ay ku caawiso in dadka soo galootiga ah ay sharciyada helaan.
Arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Cali Abuukar Cali oo uu kula kulmay magaalada Kassel ee Jarmalka.
Madal