Moscow —
Ukraine ayaa Axadda maanta ah sheegtay in magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka ay ku weerartay ugu yaraan 34 diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee drones-ka.
Waa weerarkii ugu waynaa ee ay drones-ka Ukraine ku beegsadaan Moscow tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ukraine sanadkii 2022-kii.
Weerarka ayaa ku qasbay in duullimaadyada diyaaradaha laga weeciyo saddex ka mid ah garoomada waaweyn ee magaalada. Ugu yaraan qof ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Warbixin ay qortay Reuters waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Madal