Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Peshawar


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa 30-kii bishii Janaayo ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Qaraxaasi, oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey, ayaa wxaaa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, ayada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankood ahaa saraakiil boolis.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya “ay si weyn u cambaareyneyso falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaas oo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.”

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ay ehelkooda ku waayey qaraxyada, ayada soo kabasho deg deg ah u rajeysay dhaawacyada.

Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaalada oo ku taalla meel 20 km u jirta xuduudda Afghanistan.

Peshawar ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay fulisay kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo loo yaqaan Taalibaanta Pakistan. Hase yeeshee kooxda ayaa markan iska fogeysay weerarkan.

XS
SM
MD
LG