Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Khudbad ka Jeediyey Shirka Istanbul


Xasan Sheekh
Xasan Sheekh

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa maanta isugu yimid magaalada Istanbul ee caasimadda dalka Turkiga, ayaga oo ka qeyb galaya shir madaxeed ku saabsan arrimaha bani aadannimada, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo la-tacaalidda xasaradaha qaxootiga.

Shirkan ay taageereyso QM, oo socon doonaa illaa arbacada, ayaa ku baaqi doona ficillo wax looga qabanayo musiibooyinka bani aadanimada iyo yareynta halista ay dalalka soo koraya ugu jiraan arrintaas.

“Dunida waxaa maanta ka jira dhibaatooyin waa weyn, waxaana jirta baahi weyn oo ah inaan taageero u muujino dadka ay saameeyaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadanaha sababo” Waxaa sidaas yiri ku xigeenka xogahayah guud ee QM Jan Eliasson.

In ka badan 125 hogaamiye iyo dad gaaraya shan kun oo qof, ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirka.

Madaxda shirk aka qeyb-galeysa waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaalida Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka u baahan gargaarka bani aadannimo.

Khudbadda uu jeediyey madaxweynaha waxaa inoo soo koobaya Jamala Axmed Cusmaan.

Shir madaxeed ka furmay Istanbul
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:41 0:00

XS
SM
MD
LG