Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester City oo 1-0 uga badisay Chelsea, soona gaabisay hoggaanka Arsenal


Riyad Mahrez
Riyad Mahrez

Riyad Mahrez oo kusoo galay beddel qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dhaliyay goolka qura ee ay Manchester City kaga badisay kooxda Chelsea, waxaana guushaasi ay kooxda Pep Guardiola shan dhibcood oo kaliya kaga hooseysa hoggaamiyeyaasha Premier League ee Arsenal.

Daqiiqaddii 63-aad ee ciyaarta ayaa Mahrez kubbad baas fiican ah ka helay saaxiibkiis Jack Grealish, wuxuu ku hubsaday shabaqa Chelsea, waxayna ay aheyd guul ay Manchester City u baahneyd.

Dhiirragelinta Guardiola ee ciyaartooydiisa ee waqtigii nasashada iyo badalka uu sameeyay ayaa muujiyay farqiga u dhexeeya labada gelin ee ciyaarta, taas oo sababtay in City ay hesho goolka guusha, kaddib markii dhinaca kale Chelsea ay soo foodsaareen dhaawacyo dhowr ahaa.

Tababaraha reer Spain ayaa u muuqday mid aad u faraxsan oo nafis dareemay markii garsooruhu dhawaaawiyay seerigii ugu dambeeyay ee ciyaarta, wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay ahayd mid ciyaartay kubbad caajis ah oo gaabis ah qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin qeybtii dambe ciyaartay kubbad ka fiican tii qeybtii hore.

Chelsea ayaa 22-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horreysay waxaa ka dhaawacmay labadeed weeraryahay ee halista ah Raheem Sterling iyo xiddiga Mareykanka ah ee Christian Pulisic.

Inkasta oo City ay kusoo dhawaatay Arsenal, hadana dhinaca kale Chelsea ayaa ku xayiran kaalinta 10-aad oo aan hora looga baran kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita intii uu joogay Graham Potter.

Reuters

XS
SM
MD
LG