Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koox hubeysan oo toogasho ku dilay laba ka tirsan booliska Masar


Laba nin oo hubaysan oo watay mooto bajaaj ah ayaa Jimcihii rasaas ku furay bar koontarool oo ciidamada Masar ay ku leeyihiin bariga Qaahira, halkaas oo ay ku dileen laba askari iyo qof kale oo muwaadin ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo agaasinka amniga ee magaalada.

Laba askari oo kale ayaa lagu dhaawacay koontaroolka magaalada Ismaaciiliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah dableyda la dilay, halka midka labaadna uu baxsaday isagoo caawimaad ka helayay rag kale.

Reuters.

XS
SM
MD
LG