Ciidamada Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaacay Talaadadi shalay magaalada caasimadda ah ee Beyruut ee ku taal koonfurta dalkaasi Salaasadii, halka ugu yaraan 20 qof ay ku dishay duqeymo kale oo ay ku bartilmaameedsatay bartamaha Lubnan shalay.
Duqeymihi shalay ee Beyrut ayaa lagu sheegay kuwi ugu cuslaa oo ay Israa’iil maalin cad ku beegsato meelaha ay Xizbullah ka taliso ee dalka Lubanan.
Israa’iil waxay sheegtay in ay garaacday bartilmaameedyo ay Xizbullah ku leeyihiin deegaanka Daaxiya ee magaalada Beyrut. War ay goor danbe oo shalay ah soo saartay ayay ku sheegtay in ay burburisay inta badan baqaarrada hubka ee Xizbullah.
Dhanka kale, Xizbullah ayaa iyaduna Talaadadi shalay madaafiic ku garaacday waqooyiga Israa’iil. Laba qof ayaa ku dhintay kaddib marki uu madfac ku dhacay xaafado la deganyahay oo ka tirsan magaalada Nahaariya ee waqooyiga Israa’iil.
Xizbullah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Waxay sheegtay inay weerarka uu ku wajahnaa saldhig millatari oo ku yaalla bariga Nahaariya.
Millatariga Israa’iil waxay sheegeen in dadka Israa’iiliyiinta ah ee ku nool waqooyiga lagu qasbay in ay gabbaad raadsadaan kaddib marki diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ee Xizbullah ay weerar ku qaadeen aaggaasi Talaadadii shalay. Israa’iil waxay sheegtay in duqeymahaasi aysan cidna wax ku noqon.
Madal