Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Sida uu kaligii u nool yahay Soomaali aragga la oo qaxooti ku ah Jarmalka


Weriyayaal ka tirsan VOA ayaa howlo shaqo u jooga Jarmalka, ayaga oo eegaya xaaladda Soomaalida ku nool dalkaas. Mid ka mid ah dadka ay la kulmeen ayaa ah Sayid Ibraahim Mursal oo loo yaqaano Sayid Ali oo ah nin Soomaaliyeed oo laxaadka indhaha iyo gacanta midig la’.

Ninkan ayaa inkasta oo uu naafo yahay haddana nolol maalmeedkiisa inta badan keligii dabarta kuna jira guri keligii. Wariyaha VOA ee Qaarada Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa Sayid Ali kula kulmay badhtamada magaalada Darmstadt ee dalka Jarmalka isaga oo markaas Sayid keligii suuqa maraya, sheekadan ayaana dhex martey.

Warbixin: Sida uu kaligii u nool yahay Soomaali aragga leh oo qaxooti ku ah Jarmalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:28 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG