Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Yurub iyo UK oo gaadhay heshiis taariikhi ah


Britain Northern Ireland
Britain Northern Ireland

Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa xalay heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma, ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub. Ra'iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo, kaasoo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain.

heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Haddaba Nur Hassan Nur oo jooga Washington ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Maxamed Nuur Qalimoow oo ka faallooda arrimaha Yurub kuna nool magaalada London. Qalimow wuxuu ugu horreyn sharraxayaa waxa heshiiskani uu yahay.

Midawga Yurub iyo Ingiriiska oo heshiis gaadhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00
XS
SM
MD
LG