Macallimiinta Soomaalida Iskuulada waxbarashada Kenya ayaa walaac ka muujinaya isbadalkii dhowaan ay dowladda Kenya ku samaysay Manhajka waxbarashada dalkaasi kaasoo ay dowladdu goobaha waxbarashadu ay ku amartay inay dhaqan galiyaan Manhajka cusub dhamaadka sanadka.
Macalimiinta Soomaalida ayaa sheegaya in wakhtiga ay dowladdu u qabatay in ay iskuulada ku dhaqangaliyaan Manhajka cusub uu aad u yaryahay, taasna ay saamaysay macallimiinta waxbarashada iyo Ardeyda.
Cabdiraxmaan Aadan Maxamed (Cadaani) oo ka mid ah mas’uulyiinta Soomaalida ee Nairobi ee dhanka waxbarashada ayaa arrintaasi uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.