Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO: 'Dunidu waxay noqon doontaa meel halis ah haddii Ruushku uu guulaysto'


Xoghayaha Guud ee NATO
Xoghayaha Guud ee NATO

NORWAY - Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay Khamiistii in isbahaysiga militari ee NATO inay ku hawlan yihiin laba shaqo oo muhiima oo kala ah, inay ka taageeraan dalka Ukraine, inuu iska caabbiyo duullaanka Ruushku uu ku soo qaaday dalkiisa iyo tallaabada labaad oo ah, inay ka taxadiraan in dagaalku isu beddelo mid u dhexeeya NATO iyo Ruushka.

Xoghayaha NATO oo ka hadlayey shir ka dhacay dalka Norway ayuu intaas sii raaciyey, in NATO ay masuuliyad dhinaca damiirka ahi ay ka saaran tahay inay taageeraan dalka iyo shacabka Ukraine ee lagu soo qaaday duullaanka gardarrada ah.

"Waxaan aragnaa daandaansi dagaal, weerarro lagu bartilmaameedsanayo dadka rayid ah iyo burbur aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka" ayuu yiri Stoltenberg, wuxuuna sii raaciyey. "Ma noqon karno kuwo aan dan ka lahayn arrintan."

Xoghayaha Guud ee NATO Stoltenberg ayaa sheegay in dunidu ay noqon doonto meel aad khatar u ah haddii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku helo waxa uu rabo isaga oo isticmaalaya awood militari.

"Haddii Ruushka uu ku guuleysto dagaalkan, wuxuu heli doonaa xaqiijinta ah in awooddu ay tahay waxa shaqaynaya, markaas waxaa laga yaabaa in dalalka kale ee deriska ahina ay ku xigaan," ayuu yidhi.

Milateriga Ukraine ayaa Khamiistii sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo ka wadaan goobo badan oo dalka Ukraine ka tirsan, oo ay ku jiraan kuwa ku hareeraysan Kharkiv, Slovyansk iyo Chernihiv.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in ciidamada Ukraine ay adeegsanayeen gantaallo iyo weerarro madaafiic ah oo ka dhan ah "goobaha militariga, xarumaha shaqaalaha, saldhigyada saadka iyo bakhaarrada ay rasaastu taallo." War ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarradan oo kale ay u badan tahay in ay saameyn weyn ku yeelan karaan dadaallada uu Ruushku ku doonayo in uu dib ugu soo celiyo ciidamadiisa isla markaana uu taageero.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo qaatay wakaaladaha wararka ee AFP, AP iyo Reuters

XS
SM
MD
LG