Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadaladii hubka Nukliyeerka ee Iran oo markale dib uga furmaya Vienna


Madaxa wadahadalada hubka nukliyeerka Iran iyo xoghaye ku xigeenka ururka Midawga Yurub u qaabilsan adeegyada debedda.
Madaxa wadahadalada hubka nukliyeerka Iran iyo xoghaye ku xigeenka ururka Midawga Yurub u qaabilsan adeegyada debedda.

TEHRAN, Iran – Dalalka Iran, Maraykanka iyo ururka Midawga Yurub ayaa Arbacadii sheegay inay wakiillo u diri doonaan magaalada Vienna, si dib loogu soo nooleeyo wadahadaladii hubka Nukliyeerka ee dalka Iran, gaar ahaan heshiiskii la gaadhay sannadkii 2015.

Illaa haatan ma cadda inay shirkan ka soo qaybgeli doonaan dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa heshiiskii la gaadhay sannadkii 2015, sidoo kale ma cadda in wax horumar ah laga sameeyey wadahadaladii u dhexeeyey Maraykanka iyo Iran ee ka dhacay dalka Qatar.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Midawga Yurub oo shirguddoomiyey wadahadallada oo lagu magcaabo Enrique Mora ayaa sheegay in wadahadahadalka soo socda diiradda lagu saari doono qabyo tirka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii ugu dambeeyey, halka ergeyga dawladda Iran u qaabilsan wadahadalada hubka Nukliyeerku uu sheegay inuu u tegayo dalka Austria si loo horumari wadahadaladii hore ee socday.

Ergeyga gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan wadahadalada hubka Nukliyeerka ee Iran Rob Malley ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu isku diyaarinayo in uu u safro Vienna si uu wadahadal uga qaybgalo wadahadalka.

XS
SM
MD
LG