Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Yurub oo Zelensky kula kulmay Kyiv markii ugu horreysay tan iyo bilowgii dagaalka


Ukrainian President Volodymyr Zelensky (R) shakes hands with Germany's Chancellor Olaf Scholz (L) next to France's President Emmanuel Macron prior to their meeting in Kyiv, on June 16, 2022.
Ukrainian President Volodymyr Zelensky (R) shakes hands with Germany's Chancellor Olaf Scholz (L) next to France's President Emmanuel Macron prior to their meeting in Kyiv, on June 16, 2022.

Hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Romania ayaa Khamiistii la kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, iyagoo u muujiyay taageero ay Kyiv rajeyneyso in looga caawiyo hubka iyo tallaabooyin adag oo laga qaado Ruushka.


Booqashadii ugu horeysay ee noocaan ah oo ay ku tagaan caasimadda tan iyo markii Ruushka uu duullaanka ku qaaday, ayaa waxaa is gacan qaaday madaxweynaha Ukraine Zelensky oo aan Ukraine ka bixin tan iyo biloowgii dagaalka iyo madaxda Faransiiska Emmanuel Macron, Jarmalka Olaf Schultz, Talyaaniga Mario Draghi iyo Romania Klaus Johannes.

Kulanka ayaa yimid kadib markii afarta hoggaamiye ee reer Yurub ay socod ku mareen dhismayaal burburay iyo gawaari ku gubtay magaalada Irpin ee u dhow Kyiv, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay horraantii duullaanka.

Socdaalkan ayaa waxa uu ahaa mid lagu muujinayo waxa Ukraine iyo taageerayaasheeda ay ku sheegeen inay ahaayeen gabood fallo waaweyn oo ay geysteen ciidamada Ruushka, waxaana uu hoggaamiyaha Jarmalku Scholz ku tilmaamay goob ay ka dhaceen “arxandarro aan la qiyaasi karin”

Madaxda oo ag taagnaa dhismayaal gubtay, ayaa waxay u ekaayeen kuwo murugeysan, markii ay dhegaysanayeen mid ka mid ah golaha wasiirada Ukraine oo sharraxaya wixii halkaas ka dhacay.

Kyiv ayaa hore ugu ugu eedeysay Faransiiska, Jarmalka iyo, Talyaaniga, inay ka cago jiidayaan taageeradooda Ukraine, iyagoo sheegay in ay ka gaabiyeen bixinta hubka.

Reuters.

XS
SM
MD
LG